24.4 C
Mogadishu
Saturday, January 3, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo hal arrin darteed ugu safraya dalka Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu booqasho ku tago magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Safarka Xassan Sheekh ayaa ah mid Salka ku haya sidii Dowladda Kenya uu kala hadli lahaa arimaha Qaxootiga.

Madaxweynaha ayaa kulan kula qaadan doona Nairobi dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta sida wararka qaar ay sheegayan.

Dowlada Kenya ayaa horay u sheegtay inay xirayso Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan kumanaan ruux oo Somali ah oo dalkooda colaada ka taagan awgeed uga cararay.

Dowladda Somalia ayaa shegtay inay dhowreyso heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhexmaray Dowladaha Somalia, Kenya iyo UNHCR kaasi oo ku aadan in Qaxootiga lagu soo celiyo rabitaankooda.

Dowlada Kenya dhowr jeer ayay horay u shaacisay iney xiri doonto xeryaha qaxootiga ee caalamka ugu balaaran ee Dhadhaab iyo Kakuma balse ma aysan dhicin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News