25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda hal arrin usan horay ugu dhiiraneyn !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ahmiyada Kheyraadka kala duwan ee Ilaahay ku maneystay Somalia.

Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatey shidaalka oo uu sheegay in mustaqbalka dhow ay shacabka Somaliyeed ka faa’ideysan doonaan.

Isagoo si qoto dheer uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri“Kheyraadka waxaa leh muwaadiniinta Somaliyeed oo dhan.Shidaalka Muqdisho laga soo saaro waxaa wax ku leh Somalida ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalka. Si la mid ah kheyraadka meelaha kale ee dalka ku jira, iyana Soomaali oo dhan ayuu ka dhexeeya.”

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka hadlay doorka bulshada qurbajoogta Soomaalida, ay ka qaadan karaan dib u dhiska iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in la joogo waqtigii ay soo laabana lahaayen, si ay dalkooda wax ugu qabtaan.

“Dalka horumar ayuu sameynayaa, wax bandanna waa dhiman yihiin. Dadka weli dibadda inaga joogga waxaan ku dhiirigelinaya inaysan sugin in dalkan uu iskii, isaga hagaago oo ay yimaadaan, kaalintoodana ka cayaaraan sidii wadanka loo xasilin lahaa, loona horumarin lahaa. Wax badan ayay qurbajogta qabteen oo dalka dan u ah, hase yeeshee dadaalkaasi in la kordhiyo waa lagama maarmaan.”

Dhanka kale, Madaxweynaha, ayaa hadalkaan ka sheegay casho sharaf oo Madaxtooyada uu ugu sameeyay xubnaha akademiyad goboleedka cusub ee afka Somaliga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News