Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Shirka u dhexeeya Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Odayaasha Dhuusamareeb uu sii laba kacleeyay.
Wararku waxa ay sheegayaan in Odayaasha Dhuusamareeb ay Madaxweyne Xassan u sheegen inaysan raali ku aheyn go’aanka uu ku doonaayo in Shirka lagu qabto Magaalada Cadaado, waxa ayna tilmaamen in go’aankaasi uu isaga u madax-banaan yahay balse uusan iyaga khuseyn.
Madaxweyne Xassan oo maalintii Seddexaad ku sugan Dhuusamareeb kuna jahwareersan shirka kala dhexeeya Odayaasha ayaa goordhow isaga baxay kulanka kadib markii la sheegay in Odayaasha uu kala kulmi waayay natiijadii uu ka filaayay.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Odayaasha ku wargaliyay inay caqabad ku noqonayaan Hanaanka maamulka lagu dhisaayo, waxaana la soo warinayaa in iminka ay socdaan dadaalo Madaxweynaha lagu raali galinaayo bacdamaa Odayaashii martida u ahaa uu kala kulmay kalsooni daro.
Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu sii kordhay, waxa ayna Odayaasha ku doodayaan in DF Somalia ay u kala hiilineyso Bulshada Maamulka loo yagleelaayo.
Dhanka kale, Khilaafkani ayaa u muuqda hadii aan xal loo helin inuu fashil deg deg ah ku keeni karo shirka Maamulka loogu sameynaayo gobolada dhexe oo xaalkiisu hadda marayo meel murugsan oo aan la saadaalin karin halka uu ku biyo shuban doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]