25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xassan Sheekh oo soo bandhigay waxyaabaha uu qabanayo haddii dib loo doorto (Sawiro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu madaxweyne Xassan Sheekh ku soo bandhigay qorshiisa afarta sano ee soo socota hadduu uu ku guuleyso xilka madaxweynenimo mar kale, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa  waxaa ka soo qeyb galay ku dhawaad 300 oo xildhibaannada laba aqal ah, mas’uuliyiin heer federal iyo heer gobol ah, odayaasha dhaqanka ee soo xulay ergada xildibaannada dooratay, dhallinyaro, haween, iyo xubno ka socday bulshada rayadka ah, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Bandhiggan oo si toos ah uga socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayuu madaxweynuhu ku soo bandhigay qorshaha dowladdiisa oo ka  kooban, isaga oo dib u milicsaday waxyaabihii u qabsoomay muddadii Afarta sano ahayd ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku soo koobay howlaha qabyada ah ee dhameytirka u baahan si loo helo Soomaaliya horumarsan:

  1. Xasilinta dalka iyo Adkaynta nabad gelyada.
  2. Dhammaystirka Dhismaha dawlad goboleedyada
  3. Qabyotirka Dastuurka
  4. Dhismaha Siyaasadda Qaran ee 2020
  5. Dibu dhiska Dhaqaalaha Dalka
  6. Gaarsiinta Adeegyada Bulshada
  7. Xoojinta Midnimada dalka iyo dadka soomaaliyeed.
  8. Xoojinta Xiriirka Caalamiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu ballan qaaday dhismaha hay’ado amni oo hanan kara ammaanka dalka, Federaalaynta dalka, dhismaha nidaam Siyaasadeed oo Qaran iyo dawlad Wanaag.

Madaxweynuhu waxa xildhibaannada labada gole uu ka codsaday in ay mar kale siiyaan kalsoonidooda si uu u dhameystiro howlaha qabyada ee uusan waqtigu u saamixin muddadii la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ololihiisa uu mar kale ku doonayo in uu dalka ku hoggaamiyo waxa uu ugu magac daray “Qabyo Qofkeeda ayaa dhameystira”, halku dhiggaan ayaa noqday muddadii la soo dhaafay kan ugu hadalheynta badan marka loo eego halku dhigyada musharaxiinta kale.

xasan-sheekh-7xasan-sheekh-8

xasan-sheekh-3xasan-sheekh-4xasan-sheekh-5xasan-sheekh-6

- Advertisement -

Read more

Local News