Xeefow “Wixii maanta ka dambeeya ma jiraan Ciidamo Ahlu-Sunna”

Wixii maanta ka dambeeya ma jiraan wax la yiraahdo ciidamo Ahlu-Sunna, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ururkaasi.

Hogaanka ururkaasi ayaa maanta xaqiijiyay in dhammaan ciidamadii kooxda ay si rasmi ah ugu biireen ugana mid noqdeen ciidamada Dowladda Federaalka Somalia.

Guddoomiyaha Fulinta Ahlu-Suuna Sheekh Maxamed Xeefoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku warramay in taasi ay timid kadib markii heshiis uu dhex maray Ahlu-Sunna iyo Dowladda.

Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa warfidiyeennada u sheegay in iminka ay socdaan shirar ay leeyihiin dhammaan Ahlu Sunn, isagoo hoosta ka xariiqay in dhawaan Muqdisho uu ka howlgali doono xafiis ay ku mideysan yihiin guud ahaan Culumada Ahlus Sunna si ay u dar-dargaliyaan wada shaqeyn dowladda Soomaaliya.

Tani waa tallaabo siyaasadeed oo muhim oo ay qaadeen Ahlu-Sunna, sababtoo waxaa iminka iyo wixii ka dambeeyay mushaharka ciidamada Ahlu-Sunna uu dusha ka saaran yahay Dowladda Somalia, sida uu sheegay Xeefow.