25.6 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay mudada kooban ee ICJ ay siineyso Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia, Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay halka ay iminka mareyso xal u helida Kiiska Badda Somalia iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacawada ay wali tahay mid furan oo aan soo idlaan, waxa uuna tilmaamay in guusha iminka ay gaartay Dowlada Somalia ay tahay mid hordhac ah.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in muranka dacwada Badda Somalia iyo Kenya uu yahay mid soo jiitamaayay muddo 2 sano ah, hayeeshee go’aankii ugu horeeyay uu ahaa mid soo baxay Khamiistii lasoo dhaafay.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Juhdi farabadan ay ku bixiyeen xal u helida muranka Badda Somalia, waxa uuna tilmaamay in Qareenada u doodaayay kiiska ay ku baxday dhaqaale culus.

Dhinaca kale, Dowlada Kenya ayuu sheegay in lasiin doono mudo ku siman 6 Bilood oo ay uga tashan doonto go’aanka kasoo baxay Maxkamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News