Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay tirada Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran Xabsiyada Caalamka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku xeeran howl gudashada Xafiiskiisa xili uu marti ku ahaa barnaamij ka baxaayay warbaahinta dowlada.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlaayay Xabsiyada caalamka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira ayaa sheegay inay badan yihiin balse dowlada Somalia ay wado qorsho dib loogu soo celinaayo xoriyadooda.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in Maxaabiista ugu badan ay yihiin kuwo ku eedeysan Burcadbadeednimo, waxa uuna tilmaamay inuu socdo dadaalka lagu sii deyn lahaa Maxaabiista.

Wuxuu sheegay Dr. Axmed Cali Daahir in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo kamid ah caalamka, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulmaya.

Waxa uu qiray in Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Caalamka ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan balse ay dowlada Somalia Juhdi badan ku bixineyso sida ay ku badbaadin laheyd muwaadiniinteeda ku xiran Xabsiyada caalamka.

Waxa uu Xeer ilaaliyaha sheegay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada Maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Siishalis, India, Kenya, Tanzaaniya, Cuman iyo waliba Wadamada Khaliijka.

Sidoo kale, waxa uu Xeer ilaaliyaha sheegay inay socdaan wadahadalo heer gabagabo maraaya oo kala dhexeeya dowladaha heysta Maxaabiista si loosii daayo isla markaana dib loogu soo celsho dalkooda.

Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay inaan halkaa looga hari doonin danbiyada Maxaabiista balse lagu maxkamadeyn doono dalkooda si loo kala saaro cida danbiga leh iyo cida aan danbiga laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com