Boosaaso (Caasimada Online) โ Xiisad xooggan ayaa ka taagan xeebaha gobolka Bari, taasi oo ka dhalatay maraakiib jariif ah oo xeebaha uu kusii daayay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, sida ay ku eedeeyeen qaar kamid ah kalluumeysatada Xaafuun ee gobolka Bari.
Kalluumeysatadan ayaa si adag uga hor yimid tallaabooyin uu qaaday Wasiirka, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ogolaansho ugu fasaxay maraakiib jariif ah oo si xadgudub ah uga kalluumeysanaya xeebaha degmadaasi.
Kalluumeysatadu waxay sheegeen in wasiir Xagaa uu si toos ah u bixiyo saxiixyada ogolaanshaha maraakiibta shisheeye, isla markaana dhaqaale ka soo xarooda uu ku shubto akoon gaar ah oo aan wax xiriir ah la lahayn maamulka.
โDowladda Puntland waxaan ka codsanaynaa in tallaabo laga qaado wasiirka Kalluumeysiga oo xeebaha ku soo daayay maraakiib jariif ah,โ ayay ku baaqeen.
Waxay intaas ku dareen in maraakiibtii jariifka ahaa ee Shiinaha laga lahaa ay dib ugu soo laabteen xeebaha, isla markaana ay hadda ka howl-galayaan 18 markab oo xaalufin ku haya badda.
โWasiirku gacantiisa ayuu ku saxiixaa, dhaqaalihii akoonkiisa ayuu ku dhacaa, annagana xeebihii aan ku tiirsanaanay shaqo kama hayno,โ ayuu yiri mid ka mid ah kalluumeysatada Xaafuun.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa faro ba’an ku haya maraakiib iyo doonyo jariif ah oo gurta kheyraadkeenna, kuwaas oo lacago badan ka qaataan shaqsiyaad mas’uuliyiin ah ama ku dhow hoggaamiyeyaasha dalka.