Xiisad culus oo ka dhex-qaraxday Bashiir Goobe iyo Ururka Haweenka  + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanabax uu soo qaban-qaabiyay Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Qaranka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaas oo looga soo horeeday Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe).

Dibad-baxa ayaa waxaa lagu diidanaa amar kasoo baxay dowladda oo ah in guriga hooyooyinka lagu wareejiyo Wasiir Goobe, taas oo ay kasoo banaanbaxeen haweenka.

Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo ka hadashay isku soo baxooda ayaa qaylo dhaan afka furatay, waxayna sheegtay in loo keenay warqad ka timid ra’iisul wasaaraha oo lagu amrayo in dhismaha guriga hooyooyinka oo ay dagan yihiin in lagu wareejiyo Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka, balse waxa ay tilmaameen inay geeri ka xigaan.

“Geeri baan ka xignaa in Guriga Hooyooyinka lagu wareejiyo Bashiir Goobbe, Ra’iisal wasaaraha waan ka diidnay” Ururka Haweenka oo Bannaanbax ku difaacaya Guriga Hooyooyinka” ayay tiri Batuulo Gablle.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Guriga hooyooyinka iib ma’ah waxaa eh Haweenka Soomaaliyeed, ma yeeleyno ra’iisul wasaaraha waa ak diidnay, mana ogolaaneyno, haddii aan nahay haweenka Soomaaliyeed”

Batuulo Axmed Gaballe ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegtay in dowladdiisa ay caan ku tahay boobka dhulalka danta-guud ee ku yaalla Muqdisho, sida uu hadalka u dhigtay.

“Dowladdan waxa uu dhaqankeedu yahay qabuuraha inay faqaan oo ay kasoo saaraan lafaha inay masaakiinta barakiciyaan iyo inay gataan guryaha dowladda” ayay mar kale tiri.

Dhankiisa, Wasiir Goobe oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo jawaabay, wuxuuna sheegay in guriga hooyooyinka aan lagu shaqeyn haweenka iyo qaranka, lagana kireeiyay dad kale.

“Guriga Hooyooyinka dad ayaa laga kireystay Ururka Haweenka Qaranka ma shaqeeyo magac ahaan ayuu u jiraa dhaqaalaha kasoo xaroodo gurigaas dowladdu ma hesho waxaan xumumadda isku afgaranay in ay ku shaqeyso Wasaarada Qoyska” ayuu yiri Wasiirku.

Hoos ka daawo muuqaalka.