Hobyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal kaddib markii ciimo ka kala tirsan maamulada Ximin & Xeeb iyo Galmudug ay halkaas isku fadhiyaan.
Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen ciimo badan oo wata gaadidka dagaalka kuwaasoo ay kala hoggaaminayaan madaxweyne ku xigeenka Ximin & Xeeb iyo madaxweynaha Galmudug.
Xiisadan ayaa billaabatay markii Hobyo uu gaaray madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasoo ay la socdan saraakiil British ah.
Cabdi Qaybdiid ayaa ka sheegay Hobyo in uu dhisaayo dekedda Hobyo kana dhigaayo mid casri lana mid ah kuwa dalka.
Hadalkaas waxaa horey uga jawaabay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdulaahi Baarleex, kaasoo sheegay hadalka Cabdiqaybdiid in uu hurinaayo colaad maadama deegan uusan maamulin uu sheeganayo.
Baarleex ayaa caddeeyay in Hobyo ay ka tirsan tahay deegannada uu ka arrimio maamulka Ximin iyo Xeeb.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Caddaado

