Xiisad ka dhalatay shirkadii Somaliland la xiriirisay ‘maal-gelinta’ jabhadaha Buhoodle

Hargeysa (Caasimada Online) ― Maamulka guud ee Shirkada shidaalka ee Hass, ayaa si adag uga hadlay eedeyn ay shalay xukuumada Muuse Biixi kula xiriirisay Jabhado ka soo horjeeda maamulkooda, kuwaasi oo ka jira deegaanada Buuhoodle.

Wasiir Qambi oo ka tirsan Xukuumada Biixi ayaa shalay shirkada ku eedeyay inay maal-geliso Jabhadahaasi oo halis amni oo khatar ah ku ah deegaanada maamulkooda.

Cabdirisaaq Ibraahim, Maamulka guud ee shirkada Hass ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay eedeyntaasi, isagoona xusay in Wasiirku uu kula dul dhacay dambi weyn oo aysan wax shaqo ah ku laheyn.

Maamulka shirkada ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Wasiirka ay uga fadhiyaan cadeynta eedeyntaasi, isla markaana ay ka gudbin doonaan dacwad ka dhan ah, maadama uu dusha u saaray arrin ay shaqo ku laheyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Anigoo ku hadlaya magaca shirkada shidaalka ee Hass waxaan bulshada Somaliland u cadaynayaa in warkaasi uu wasiirka hawlaha guud sheegay tahay jariimad ka dhan ah shirkadda Hass oo ay tahay duulaan qaawan oo wasiirku ku qaaday shirkadda” ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahim.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haba yaraatee wax yar iyo wax weyn toona kama jiraan waxa uu wasiirku ku eedeeyey shirkadda. Aniguna waligay ma arag Buuhoodle, wax xafiis ahna kuma lihin Buuhoodle inuu ku eedeeyo dhibaatooyinka ka jira inay shirkadu ku lug leedahay, waana meel ku dhac ganacsi”.

“Arrintaasi shirkaddu waxay u maraysa sharciga iyo xeerarka dalka u yaalla, inuu wasiirku qaadi doono mas’uuliyada waxa uu ku hadlay anagoo u marayna maxkamadaha dalka hadii uu cadeyn waayo laga rabo inuu isagu jawaab ka bixiyo ama uu wasiirku keenno cadeyn oo shirkadu qaadato mas’uuliyada eedaasi lagu eedeeyey”.

Hadalkan ka soo yeeraya Maamulka guud ee shirkada Hass, ayaa soo if-bixinaya xiisad cusub oo ka dhex qaraxday Xukuumada Muuse Biixi iyo Shirkada, gaar ahaan Wasiirka howlaha guud oo isagu eedeyntaasi dusha u saaray shirkada.