Xiisad ka taagan degmada Shibis iyo ciidamada oo difaacyo kala galay caawa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad Cabsi amaan ah ayaa caawa ka jirta degmada Shibis ee Gobolka Banaadir gaar ahaan isgoyska Maanabooliyo oo galabta ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Dagaalkii maanta ka dhacay degmada Shibis ayaa ka dambeeyay kadib markii isfaham waa uu soo kala dhex galay ciidamo ka tirsan meletariga iyo ciidamo boolis ah, waxaana dagaal kooban uu sababay dhimashada dad shacab ahaa iyo dhaawaca shan kamid ah ciidamada booliska.

Cabsi xoogan ayaa ka jirta waaxda Axmed Gureey ee degmada Shibis, waxaana gabi ahaanba la xiray waddooyin badan oo ku dhow goobtii galabta lagu dagaalamay.

Ciidamada booliska ayaa gabi ahaanba xiray waddada Isgoyska Maanabooliyo waxaana loo diidayaa dhamaan gaadiidka dadweynaha, iyadoo meelaha qaar loo diidayo dadweynaha inay adeegsadaan.

Shacabka degmada ayaa Shibis ayaa cabsi xoogan qaba, iyaga oo ka baqaya in dagaal kale uu ka dhaco goobtii maanta lagu dagaalamay, maadaama ciidamada booliska ay aagag dagaal galeen.

Waxaa kaloo cabsida kordhiyay kadib markii la sheegay in ciidamada meletariga oo isku urursanaya degmada Yaaqshiid inay duulaan ku yihiin ciidamada booliska ee maanta is hor istaaga ku sameeyay.

Xiisadda dagaalkii maanta ayaa isku badashay xiisad qabaa’ileed, waana midda keentay in cabsida ay sii kororto.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com