28.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Xiisad ka taagan ‘macdan qaali ah’ oo deegaan ka mid ah Somaliland laga helay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisad colaadeed oo ka dhex qaraxday Beelo wada dega deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag.

Labadan Beel ayaa si weyn isugu dagaalsan Macdan qaali ah oo laga helay deegaankaasi, midaasi oo dhalisay isku dhaca labada beel iyo in xiisadoodu gaadho meel sarre.

Gyddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay guddi nabadeed soo dejiya xiisada labada Beel, kuwaasi oo safar ku tagi doona deegaanka ay ka taagan tahay xiisadu.

Hoos ka aqriso magacyada guddiga:

1. Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye)
2. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan
3. Cali Maxamed Huruuse
4. Cumar Nuur Xasan
5. Maxamed Faarax Axmed
6. Axmed Xaaji Cabdi Xuseen
7. Xasan Cumar Axmed
8. Diini Cabdillaahi Handi
9. Cawil Cismaan Maxamuud
10. Khadar Xuseen Sahal
11. Cawil Cabdillaahi Caydiid

Xiisada ka dhex qaraxday labada beel ee wada dega deegaanka Shidan oo meel xun gaadhay ayaa waxay daba socotaa kadib markii deegaankaasi laga helay Macdano qaali.

- Advertisement -

Read more

Local News