26.1 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xiisad la xiriirta badda oo ka dhex qaraxday Uganda iyo Kenya

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Xiisad salka ku haysa biyaha Badweynta Hindiya ayaa ka dhex qaraxday Dowladaha Kenya iyo Uganda.

Dowladda Uganda ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegtay in aysan suurtagal ahayn in ay sii ahaato bilaa bad, iyadoo Madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay in aan laga fursan doonin dagaal labada dal u dhexeeya haddii Kenya aysan dalkiisa u oggolaan marin badeed uu ka galo Badweynta Hindiya.

Dowladda Kenya oo ka carootay hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa si adag uga jawaabtay, iyadoo sheegtay in aysan jirin wax wada-hadal ah oo ay ka galayso baddaheeda, ayna arrintaasi u aragto mid dagaal horseedi karta haddii la sii wado.

Hadalka Madaxweynaha Uganda ayaa dhaliyay caro iyo walaac siyaasadeed oo gudaha Kenya ka dhashay, iyadoo saraakiil sare oo Kenyan ah sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo xuduudahooda badeed.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay in ay qayb ka tahay ololaha ay qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika, sida Itoobiya, ka wadaan raadinta marin badeed, taas oo horey muran iyo diidmo uga dhalisay gobolka.

Helitaanka bad

Damaca helitaanka badda ayaa xiisad culus ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya. Addis Ababa ayaa si cad u muujisay rabitaankeeda ku aaddan in ay hesho marin badeed rasmi ah, taas oo si toos ah u taabanaysa madax-bannaanida Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sannadkii 2024 heshiis ay ku gaareyso badda la saxiixatay maamulka Somaliland, inkastoo uusan noqon mid hirgala, kadib markii dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid, illaa ay Addis Ababa ku qasbanaatay in ay dib uga joogsato. Si kastaba, Itoobiya weli kama tanaasulin damaceeda.

Damaca Itoobiya ee gaarista biyaha Badda Cas ayaa marba marka kasii dambaysa sii xoogeysanayay, iyadoo dadaal badan gelisay sidii ay u dhisi lahayd ciidan badeed u gaar ah.

Gaarista Badda Cas ayaa ah riyo ay ku taamayaan Itoobiyaanka, kuwaas oo dhowr jeer hore u muujiyay in haddii nabad iyo is-faham lagu gaari waayo, ay adeegsan doonaan awood ciidan.

Sidoo kale, damaca helitaanka baddu wuxuu taabtay dalka Eritrea, kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu dhawaan si aan gabasho lahayn u sheegay in ay tahay “arrin waqti uun ka xigo” inta aysan Itoobiya dib ula wareegin dekedda Casab ee Eritrea, isaga oo sii wada dadaalka adag ee maamulkiisu ugu jiro sidii uu u heli lahaa marin badeed.

Abiy ayaa hadalkan sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ee EBC, ka hor xarigga biyo-xidheenka weyn ee GERD, isagoo ku nuuxnuuxsaday in “la gaaray xilligii la saxayay khaladaadkii hore.”

Isagoo fadhiya xeebaha harada weyn ee macmalka ah ee uu sameeyay biyo-xidheenka GERD, oo loogu magac daray Nigat, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay luminta marinkii dekedda Casab inay ahayd khalad dhacay soddon sano ka hor.

“Badda Cas waxay qayb ka ahayd Itoobiya soddon sano ka hor,” ayuu yidhi. “Khaladku shalay ayuu dhacay, berrina waa la sixi doonaa,” ayuu raaciyay Abiy Axmed.

Isku soo wada duubo, damaca marin badeed ay helaan dalalka bilaa badda ah, ayaa xiisad hor leh ka abuuray waddamada leh xeebaha, iyadoo damacaas loo arko mid halis ugu jira inuu gobolka ka rido dagaal, haddii aan si wadajir ah oo heshiis lagu yahay looga faa’iideysan biyaha.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News