28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xiisad xoogan oo ka taagan Laascaanood kadib go’aankii maamulka Firdhiye ka qaatay….

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Shacabka Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa cabasho xooggan ka muujiyay saameynta ka dhalatay go’aankii Madaxweynaha maamulka uu kusoo rogay shirkadaha isgaarsiinta.

Shacabka ayaa ka cawday xirnaanshaha shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ee magaaladaas oo muddo labo todobaad ku dhow aan shaqayn, kadib markii khilaaf soo kala dhex-galay iyaga iyo maamulka Waqooyi Bari.

Dadweyne careysan oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Laascaanood ayaa sheegay in arrintaan ay si weyn u saameysay suuqii iyo dhaq-dhaqaaqii maaliyadeed ee gudaha magaalada. Dadka qaar ayaa sheegay in lacagahoodii uga jiraan bankiyada loo xiray amarka kasoo baxay maamulka.

Sidoo kale waxay sheegeen in haatan ay keliya isticmaalaan lacagaha telefoonka, sida; Zaad, Sahal iyo e-Dahab, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Firdhiye inuu fasaxo shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka howl-gala magaaladaasi.

Maxay isku hayaan maamulka iyo shirkadaha?

Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhawaan shirkadaha isgaarsiinta iyo bangiyada ka howl-gala gudaha magaalada Laascaanood kusoo rogtay lacag loogu yeeray “dowlad dhis”.

Maamulka shirkadaha ayaa ku gacan sayray inay bixiyaan lacagtaasi, iyadoo war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Amal Bank, Golis, Dahabshiil iyo Telesom lagu caddeeyay in aysan awoodin lacag ka baxsan tan cashuurta ah ee ku waajibtay.

Dhinaca kale, Warqad kasoo baxday wasaaradda maaliyadda Waqooyi Bari ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid shirkadaha waa wayn iyo bangiyada ka howl-gala deegaanka ay si cad uga biyo diideen inay bixiyaan lacagaha cashuuraha ee ku waajibay.

Wasaaradda ayaa ku andacootay in shirkaduhu ay gabi ahaan diideen inay la shaqeeyaan dowladda cusub, si horay loogu wado maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maamulka ayaa xusay in laga soo bilaabo Janaayo 2024 ilaa bishii dhammaatay ee Sebteembar 2025 ay wasaaraddu si isdaba joog ah shirkadaha ugu gudbisay waraaqo iyo amarro culus, balse ay ka dhaga fureysteen inay kasoo jawaabaan fariimaha la gaarsiiyay.

“Qaar kamid ah shirkadahaa ka howlgala Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxa ay cadaysteen inay si badheedh ah u diidaan bixinta canshuuraha ku waajibtay iyo ka qayb qaadashada dawlad dhiska” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda maaliyadda maamulka.

Waxaa kale shirkaha lagu eedeeyay marin habaabin bulsho iyo inay ku kaceen “abaabul kooxaysan iyo isutag aan sharci ahayn, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Shirkadaha sameeyay amar diidada ayaa sidoo kale lagu amray in deg-deg uga soo jawaabaan warqadaha la gaarsiiyay, ayna bixiyaan canshuurta maamulka. “Haddaba waxaa la farayaa shirkadahaas in shirkad kasta si gooni ah uga soo jawaabto codsiyadii isdaba joogga ahaa ee lagu amray la shaqeynta dowladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Indhowaanahan ayay taagneyd dooda labada dhinac, waxaana todobaadkii hore shirkadaha ka jira deegaanka ay cambaaeeyeen xayiraad iyo xiritaan lagu sameeyay qaar kamid ah laamihii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

- Advertisement -

Read more

Local News