25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Arrin xasaasi ah oo ka soo korortay xiisadda baarlamanka iyo kulankii maanta oo la…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa ee ka taagan baarlamaanka dalka.

Farriin oo diray xildhibaannada ayaa waxaa loogu sheegay in maanta aanu jirin kulan, isla markaana ay isku imaan doonaan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa fadhiyadooda yeesha maalmaha Sabti, Isniin, iyo Arbaco, waxaana maanta la filayay in xildhibaannadu isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa, balse waa uu baaqday, sida ku cad farriinta loo diray.

Sababta ugu wayn ayaa lala xiririinayaa xiisadda ka dhex taagan baarlamaanka, taas oo saameyn ku yeelatay shaqadii socotay ee xildhibaannada, kadib markii uu iyaga iyo guddoomiyaha uu soo kala dhex-galay khilaaf xooggan.

Kulankii u dambeeyay oo dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo kusoo dhammaaday, waxaana kadib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe.

Xaaladda ayaa u muuqata inay weli kasii dareyso, waxaana xildhibaannada mucaaradka ay wadaan mooshin ay rabaan inay xilka uga tuuraan guddoomiyaha, isaguna wuu ka horyimid, wuxuuna ka laabtay maamuus ka xayuubintii xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib oo iyadu sababtay buuqa haatan ka taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Baaqashada kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo haatan dalka uu ka maqan yahay Sheekh Aadan Madoobe oo Khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qayb-galayo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmayo magaalada caasimada Algiers.

Shirka oo socon doono illa berri ayaa waxaa kadib qorshuhu yahay inuu Aadan Madoobe soo laabto, kadibna uu guddoomiyo kulanka baarlamaanka ee loo ballansan yahay Isniinta.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News