29.4 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Xiisadda Boorama oo soo laba-kacleysay iyo xukuumadda Cirro oo 48 saac loo qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Xiisadda magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa u muuqata inay mar kale soo laba kacleynayso, xilli bilowgii bisha December ee sannadkii hore ay ka dhaceen rabshado dad ku dhinteen.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u qabtay muddo laba maalmood ah in lagu sii daayo dhallinyaro lagu xiray magaalada Boorama.

Xildhibaanka ayaa xukuumadda ugu hanjabay inuu ku baaqi doono isu-soo-baxyo waaweyn oo ka dhan ah, haddii aan la fulin dalabkiisa la xiriira sii deynta dhallinyarada reer Boorama ee ay xireen laamaha amniga.

Xildhibaan Abiib oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa yiri: “Haddii aan la sii deyn innamada xiran berri iyo berri dambe, waxaan dhammaan shacabka isugu yeereynaa inay soo baxaan, iyagoo ilaalinaya nabadgelyada, si ay u difaacaan xuquuqdooda.”

Dhallinyaradan ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee lasoo dhaafay, kadib markii dibadbaxyo ka dhacay Boorama ay isu beddeleen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xaaladdan ayaa gobolka Awdal ka kicisay xiisado siyaasadeed iyo dareen ka dhan ah aqoonsiga Somaliland ee dhawaan ay ka heshay Israa’iil, iyadoo bannaanbaxyo looga soo horjeedo ay ka dhaceen gudaha magaalada, kuwaas oo lagu muujiyay halka shacabka gobolku ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa horraantii toddobaadkan gaaray magaalada Boorama, si aanay xiisaddu mar kale cirka isku shareerin, sidii daba-yaqaaddii sannadkan ka dhacday gobolka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa isbitaallada magaalada ku booqday dadkii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay gobolka, xilli ay xukuumaddu dadaal ku bixinayso dejinta xiisadda taagan, oo inta badan salka ku haysa cabashooyin la xiriira saami-qaybsiga siyaasadda iyo qeybsiga kheyraadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo gobollada darafyada.

- Advertisement -

Read more

Local News