Riyadh (Caasimada Online) – Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay inay “isku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda (Zionism)” isla markaana ay u dhaqmayso sidii “jaajuus cadow ah oo Israa’iil u dhex joogay dunida Carabta.”
Ujeeddada tallaabooyinkan ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Sacuudiga, si Imaaraadku u noqdo quwadda ugu sarreysa gobolka.
Maqaal aad u kulul oo maalintii Khamiista lagu daabacay wargeyska Al Jazirah ee kasoo baxa Sacuudiga, ayuu Axmed bin Cuthmaan At-Tuwaijri ku eedeeyay madaxda Imaaraadka (gaar ahaan Abu Dhabi) in ay indho-tirtay “nacayb iyo xaasidnimo,” ayna dhabarka u jeediyeen Boqortooyada inkastoo Sacuudigu uu tobanaan sano garab taagnaa.
Tuwaijri, oo horey hormuud uga soo noqday Jaamacadda King Saud, xubinna ka ahaa Golaha Shuurada, ayaa dhaleeceyntiisa si gaar ah ugu jiheeyay Imaaradda Abu Dhabi. Wuxuu sheegay inay waddo “shirqoollo cadaawadeed oo ku hoos gabbanaya diblomaasiyad,” isla markaana ay ka dambayso isku dayo dhowr ah oo lagu xasillooni-darreynayo gobolka.
Golaha Shuurada waa gole la-talin iyo sharci-dejin oo Boqorka kala taliya arrimaha sharciga, siyaasadda, iyo maamulka, waana nidaam la mid ah dhaqanka soo jireenka ah ee Carabta.
Isagoo tallaabooyinka Imaaraadka ku tilmaamaya kuwo halis ku ah jiritaanka iyo mabda’a Carabta, ayuu Tuwaijri sheegay in Imaaraadka—oo uu maamulo Maxamed bin Zayed, oo ah nin si weyn u diidan Islaamka siyaasiga ah—ay la safatay Israa’iil si ay u wiiqdo danaha Carabta.
“Waxay isku dayayaan inay daacadnimadii loo hayay midnimada Carabta iyo Islaamka u weeciyaan dhanka saamaynta shisheeye,” ayuu qoray Tuwaijri. Wuxuuna intaas ku daray, “Tani waa khiyaano laga galay Alle, Rasuulkiisa, iyo guud ahaan ummadda, mana aha wax la iska indho-tiri karo.”
Weerarrada lagu hayo kooxaha iska-caabinta
Tuwaijri ayaa ku andacooday in shirqoolladan ay ka mid yihiin iskaashi toos ah oo dhanka milatariga iyo sirdoonka ah, taageerada hawlgallada Israa’iil ee Gaza, iyo in saldhigyada milatari ee Imaaraadku ku leeyahay Badda Cas iyo Geeska Afrika loo isticmaalo in lagu fududeeyo weerarrada Israa’iil ku hayso “kooxaha iska-caabinta” Falastiiniyiinta.
Isagoo tusaale u soo qaadanaya dalka Yemen, wuxuu Abu Dhabi ku eedeeyay inay halkaas ka abuurayso fowdo iyadoo taageeraysa kooxo ku sugan koonfurta dalkaas, kuwaas oo si ula kac ah uga horyimid dowladda caalamku aqoonsan yahay.
Bishii la soo dhaafay, dagaalyahanno taabacsan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday magaalooyin, saldhigyo milatari, dekedo, iyo goobo shidaal oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo ka qabsaday dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.
Tallaabadan ayaa ka careysiisay Sacuudiga, kaas oo 30-kii bishii December duqeeyay shixnad Imaaraadku lahaa oo taallay koonfurta Yemen, isla markaana dhaleeceeyay doorka Imaaraadka ee taageerada gooni-u-goosadka.
Riyadh ayaa markaas kadib weerarro ku qaadday STC, iyadoo ciidamada Sacuudigu taageero ay horumar sameeyeen, taas oo keentay in kooxaha gooni-u-goosadku ay lumiyaan gacan ku haynta qaybo badan oo koonfurta Yemen ah.
“Fowdada Suudaan” iyo “Cayayaanka” Tunisia
Maqaalkiisa, Tuwaijri wuxuu sidoo kale ku cambaareeyay Imaaraadka burburka ka jira Liibiya, halkaas oo ay ka jiraan laba dowladood oo iska soo horjeeda, dalkuna uu ku jiray in ka badan toban sano oo dagaal sokeeye ah. Wuxuu ku eedeeyay Abu Dhabi inay doonayso inay kala qaybiso dalkaasi oo ay “lacag iyo hub” ku taageerto kooxaha bari ka dagaallama.
Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku uu “fidinayo fowdada Suudaan” isagoo lacag iyo hub siinaya Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), una isticmaalaya “buundooyin dhanka hawada ah oo qarsoodi ah” si loo taageero.
Dhinaca Waqooyiga Afrika, Tuwaijri wuxuu ku eedeeyay Imaaraadka inuu “sida cayayaanka u dhex galay Tunisia,” uuna wiiqay hammigii shacabka Tunisia ee xorriyadda iyo caddaaladda kadib kacdoonkii Guga Carabta ee 2011.
Dalka Masar—oo horey u ahaan jiray quwad weyn oo gobolka ah—ayuu sheegay in Abu Dhabi ay u adeegsatay awooddeeda dhaqaale si ay u maamusho waaxaha muhiimka ah una saamayso go’aan-qaadashada Masar.
Waxa kale oo uu sheegay in Imaaraadku si ula kac ah u taageerayo biyo-xireenka Itoobiya (GERD), inkastoo ay taasi dhaawacaysao danaha istiraatiijiga ah ee Masar. Qaahira, oo 97% biyaha ay cabto ka hela Webiga Niil, ayaa ka cabsi qabta in biyo-xireenku uu halis geliyo amnigeeda biyaha.
Sidoo kale, Tuwaijri wuxuu sheegay in Imaaraadku uu damacsan yahay inuu kala qaybiyo Soomaaliya, isla markaana uu saamaynta Israa’iil ku faafiyo Geeska Afrika si loo xakameeyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab.
Xiisadda oo ku fiday meelo ka baxsan Carabta
Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa muddo sanado ah sii karkaraysay, balse waxay si aan hore loo arag u qaraxday wax yar kadib markii Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu booqday Washington bishii November.
Intii uu halkaas joogay, hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kala hadlay in cadaadis la saaro Imaaraadka sababo la xiriira taageeradooda RSF-ta Suudaan. Bishii xigtay, kooxda STC ee Yemen ayaa qaadday weerarkooda, taas oo Sacuudiga ku qasabtay tallaabo milatari.
Sacuudiga ayaa sidoo kale kordhinaya cadaadiska uu ku hayo Imaaraadka gudaha Suudaan. Isagoo kaashanaya Masar iyo Turkiga, Riyadh waxay taageeraysaa Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan oo la dagaallamaya RSF-ta uu Imaaraadku dabada ka riixayo.
Xiriirka sii xumaanaya ee labada dal ee Khaliijka ayaa ku fiday meelo ka baxsan dunida Carabta, iyadoo ay muuqato in Sacuudigu uu xiriir milatari la samaysanayo Pakistan, halka Imaaraadkuna uu u sii dhowaanayo dalka Hindiya oo ay cadaawad kala dhexayso Pakistan.
Khilaafka Soomaaliya
Meel kale oo la isku hayo waa Soomaaliya. Sacuudiga ayaa todobaadkii hore ku biiray dalal badan oo cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.
Magaca Imaaraadka lagama dhex arkin liiska dheer ee dalalka Muslimka iyo Carabta ah ee ka horyimid aqoonsigaas. Abu Dhabi ayaa la og yahay inay si dhow ula shaqeyso Somaliland, oo ay ku jirto dhismaha saldhig milatari oo ay halkaas ka waddo.
Burburka xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ah isbeddel la yaab leh oo aad uga duwan toban sano ka hor, markaas oo labada dal ay iska kaashadeen go’doomintii Qatar. Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ayaa xilligaas lagu tilmaami jiray shakhsi uu macallin u yahay Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed.

