27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Mustaf Dhuxulow oo noqday madaxa cusub ee ururka la dagaalanka argagixisada Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xlidhibaan Mustafa Dhuxulow oo ka tirsan baarlabaanka JFS ayaa qoraal uu ku soo bandhigay qaar ka mid ah websiteyada Soomaalida, ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday barnaamij (La Dagaalanka Argagixisada) Xildhibaanka ayaa sheegay in loo magacabaay madaxa la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

mustafSida ku cad dastuurka qabyo qoraalka ah ee JFS, Xildhibaanka ma qaban karo shaqo ka baxsan labada gole ee sharci dejinta iyo golaha xukuumada. Sida ku cad qoraalka Xildhibaanka ayaa sheegay in digreeto madaxweyne loogu magacaabay in uu yahay (Coordinator of Nationwide Strategy for Countering Violent Extremism (CVE). Ama Isu Duwaha Istraatijiyada qaranka ee ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada.

Dad badan ayaa is weydiinayo waxa hadda ku kallifay in Madaxweynaha JFS in uu markale jebiyo dastuurka JFS. Isagoo u magacaabay shaqsi uu dastuurka ka reebay in uu qabto jago noocan oo kale ah, isla markaasna aanu khibrad u lahayn howsha loo magacaabay. Qaar ka mid ah wax garadka Soomaaliyeed ayaa u arka in arrintan aay dabada ku hayso in dhaqaale lagu musuqmaasuqo. Waayo ma jirto si kale oo lagu macneyn karo ayeey yiraahdeen wax garad aay Caasimada Online la xiriirtay.

bashir1Waxay ahayd sanadkii 2006 markii hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ka dhisnaa aay sameeyeen kooxda isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, si aay dhaqaale badan uga helaan wadamada reer galbeedka iyagoo sheegay in Soomaaliya aay noqotay bar aay ku soo dhuuntaan argagixisada caalamiga ah, kuwaaso markii danbe aay jebiyeen ururkii midowga maxkamadaha 2007.

Ururkan dhawaanta lagu dhawaaqay ayaa lagu wadaa in uu qaato mid la mid ah qaabkii aay u shaqeyn jireen Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada. oo horjoogayaal ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ka jiray.

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News