25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Xil wareejin maanta ka dhacday Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad xil-wareejin ah ayaa maanta ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, kadib tallaabadii uu maalin kahor qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Xil-wareejinta oo ka dhacday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa xilalka kula kala Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee cusub Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, kuwaas oo ay saameysay isku shaandheyntii dhacday todobaadkan.

Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ah munaasabadda iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo xilalka u kala wareejiyay labada mas’uul, si ay u dhaqan gasho digreetadii uu soo saaray.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa laga soo wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, halka Cabdisalaam Cabdi Cali isna la geeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isaga oo beddalay Mudane Axmed Macallin Fiqi oo isna loo beddalay gaashaandhigga.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada.

Isku shaandheynta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Xamza oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxa ay fasiraad ka bixisay laba arrin oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:

1. In isku shaandheynnadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed.

2. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta.

Tan ayaa ka dhigan si kasta oo xubnaha golaha waxqabadkooda loo saluugana aysan madaxda sare haysan dookh ka duwan iyaga, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo — taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka.

- Advertisement -

Read more

Local News