26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Xog: Xildhibaan cadeeyay arrin la xiriirta Axmed Madoobe iyo C/W Gaas oo uu shaki ka taagnaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ka tanaasuleen fikir ahaan in aqalka hoose ee Barlamanka dowlada Federaalka lagu soo xulo 4.5.

Xildhibaan Cabdiwahab Ugaas Xuseen oo saaxiib la ah madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegay inuu cadeynaayo in labadaasi madaxweyne ay ogolaadeen inay ka tanaasulaan 4.5.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in kulan dhexmaray labada madaxweyne ay ku aqbaleen in aqalka hoose ee Barlamanka dowlada Federaalka lagu soo xulo 4.5.

Mudanahaan ayaa sheegey in sababta shirka la burburey tahay kadib markii Galmudug iyo Koonfur Galbeed tanaasul ka sameyn waayeen mowqifkooda ku aadan 4.5 in lagu soo xulo dhamaan xildhibanada Barlamanka.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in qodobka iminka furan uu yahay halka mar kale lagu heshiin lahaa iyo cida mar kale marti galin laheyd shirka, waxa uuna cadeeyay in qodobka ah 4.5 xal laga gaaray.

Waxa uu farta ku goday inay u badan tahay in kulanka soo socda uu isla madasha Kismaayo ka dhici doono, waxa uuna cadeeyay in wareega soo socda ay u badan tahay in heshiis dhab ah uu kasoo baxo shirka.

Dhanka kale, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ma aysan shaacin in inay ka tanaasuleen fikir ahaan in aqalka hoose ee Barlamanka dowlada Federaalka lagu soo xulo 4.5 iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News