Xildhibaan ka tirsan BF oo sameysay ballan-qaad la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la’layahay, waxayna ballan-qaaday har iyo habeen ka shaqeyn doonto sidii loo soo heli lahaa, nolol ama geeri.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii sheegtay in ay garab taagan yihiin hooyo Qaali Maxamuud Guhaad iyo qoyska Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad-sugida ee NISA, ayadoona ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo soo heli lahaa nolol ama geeri mid un.

Waxay nasiib xumo ku tilmaamtay in Ikraan markii u dambeysay laga qafaashay meel u dhow taliska Hay’adda Nabad-sugida, ayada oo lagu kaxeeyay si ka baxsan rabitaankeeda, ka gadaal markii ay raacday gaari la sheegay in hay’adda ay laheyd.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo arrintaas kaga hadashay qoraal dheer oo ay soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa waxa uu u dhigna sidaan;

Bismillaah. Ugu horreyn, waxaan xannuunka la qeybsanayaa waalidka, walaalaha iyo qoyska walaasheen Ikraan Tahliil Faarax.

Ma jirto ereyo aan ku cabbiri karo sida ay u xannuun badan tahay in gabar 25 jir ah oo waxbaratay oo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeyneysay, qofna aan denbi ka gelin la afduubto mar kaliya.

Weliba meel dhowr tallaabo uun u jirta taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo ahayd halkii laga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka muwaadiniinta.

Waxaan garab taagganahay hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, abtiyaasheed iyo walaalaha kale oo nala wadaagay xogta maqnaanshaha Ikraan. Aad Ayaan uga xunnahay in anagoo joogna ay waxaas idinku dhacaan.

Dalka wuxuu leeyahay Dastuur si cad u dhowraaya xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta. Ka Xildhibaan Golaha Shacabka, ahaan waxaa na saarran mas’uuliyad ilaalinta Dastuurka Dalka. Iyo mataaladda shacabka .

Qodobka 15aad ee Dastuurka wuxuu xarrimayaa waxkasta oo ku xadgudbaaya amniga, sharafka iyo xorriyadda qofeed. Sida muuqata Ikraan Tahliil Faarax waxaa lagu kexeeyay si ka baxsan rabitaankeeda oo u dhiganta “afduub”.

Waxaan har iyo habeen ka shaqeyn doonnaa sidii Ikraan Tahliil Faarax loo soo heli lahaa- nolol ama geeri. Kuwii ka danbeeyay falka lagu “afduubtay”-na loo horkeeni lahaa caddaaladda haddii Alle idmo.