Xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo deegaan doorashadiisu ay aheyd HirShabelle ayaa maalmihii dambe la xanuunsanayey cudurka macaanka iyo sidoo kale kilya xanuun, isagoona ku dhintay isbitaalka Yardimeli, sida ay innoo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka Soomaaliya.

Geeridiisa waxaa durbo ka tacsiyeeyey xubno ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo soo saaray qoraal kooban.

Ducaale ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyska uga tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Jamhuuriya.

Sidoo kale wasiirka ayaa Marxuumka Alla uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Eheladii iyo Qoyska uu ka geeriyooday wallaalkeen Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya).
Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.” wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya.