26.6 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Xildhibaano diiday warkii ka soo baxay XASAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay war dhawaan uu baarlamaanka ka hor sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, kaasi oo ku aadanaa in madaxda dalka u hogaansamaan amarada dhanka amaanka ee Aadan Cadde.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in madaxda dalka Soomaaliya laga doonayo iney u hogaansamaan baaritaanada dhanka amaanka ee garoonka diyaarada, taasi oo ka qeyb qaadaneyso xaqiijinta amaanka.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in xildhibaanada si adag loogu baaro garoonka diyaaradaha, taasina ay ka hor imaaneyso xasaanada uu leeyahay xildhibaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalin dhaweyd garoonkaan kasoo dagay ma mareysid VIP ee halkaan ka bax ayaa leygu yiri, waxay haddana mareysaa in xildhibaanka kabaha, suunka iyo waxa uu watto uu tuuro, marka waa wax ka hor immaanaya qaranimada Soomaaliya”.

“VIP-da Madaxweynaha, ra’iisu wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayay u xiran tahay amar ayaana lagu bixiyay, xildhibaanada baxayana dhibaato badan ayaa lagu kordhiyay oo amaanka ayaa la sugayaa baa la yiri”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo dhawaan xildhibaanada hortagay ayaa soo jeediyay in xildhibaanada baarlamaanka iyo masuuliyiinta dalka ay ogolaadaan baaritaanada amaanka garoonka diyaaradaha, si looga hortago qataraha dhanka amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News