Muqdisho (Caasimada Online) – Kullan shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay xildhibaanad Mina Xasan Shibis, ayaa lagu mucaaraday ololaha dadka degan gobolka Banaadir ay ugu doodayaan xuquuqdooda.
Kulankan ayaa waxaa si gaar ah looga soo horjeeday baaqii madaxweynaha Hirshabeelle ee gogoshii uu dhigay degmada Balcad si beelaha gobolka Banaadir aayahooda ugu tashtaan, islamarkaana u dhistaan maamul goboleed u gaar ah.
Xildhibaan Mina Xasan Shibis ayaa u muuqatay inay taageertay hadalkii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in arrimaha gobolka Banaadir looga danbeeyo Guddoomiyaha gobolka Taabit Cabdi Maxamed, waxayna sheegtay in gogol looga arrinsanaayo maqaamka gobolka Banaadir aysan habooneyn in la dhigo degmada Balcad.
Mina Xasan Shibis ayaa horay ololaha raadinta xuquuqda gobolka Banaadir hormuud ka aheyd, hase ahaatee dhowaan ayey si weyn u beddeshay mowqifkeedii hore ee soo dhicinta xuquuqda gobolka Banaadir.
Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Mina ay heshiis la xiratay ra’iisul Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed, oo lacag badan ku bixinaya sidii loo fashilin lahaa qorshahan.
Wararka waxay sheegayaan in xildhibaanada lacag badan qaadatay, sidoo kalena lagu soo xiray mashruucyo ay hay’ado badan iyo xildhibaano ku degeen hotelka Global ee ay leedahay.
Dadka Muqdisho, gaar ahaan beelaha Galmaax ayaa markii ay doorteen xildhibaanada Mina filayeen inay wakiil uga noqoto danahooda, hase yeeshee inay dantooda baadi goobta iska daayee waxay hadda u muuqataa inay dhabarka ka tooganeyso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]