Daawo: Xildhibaan ugu baaqay beesha Macallinka laga dilay inay u dilaan wiil kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana ay isku beel yihiin Macallinkii dhowaan lagu dhex dilay Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir ayaa si adag uga hadlay falkaasi argagaxa leh.

Xildhibaanka ayaa beesha uu kasoo jeedo ee Baadicadde ugu baaqay inay jawaab ka bixiso falka lagu dilay Macallinka, isaga oo ka dalbaday inay u dilaan wiil kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Beesha aan ka dhashay ee laga dilay Macallinka lagama laandheereysno Macallinka la dilay wiil ha u dilaan, xittaa walaalkii haloo dilo” ayuu iri Xildhibana Khaliif.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eedeysanaha dilka gaystay uu u baxsaday dhanka gobolka Shabeelaha Dhexe, ayna ka war hayaan dhaq-dhaqaaqiisa.

“Waxaan maqalnay inuu ka baxsaday iskuulka, una baxsaday gobolka Shabeelaha Dhexe, waana rajeynayaa in lasoo qabto” ayuu kusii daray.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka hadlay dilka Macallin Cabdiraxmaan Macaloow Abiikar ayaa farriin u diray beesha uu kasoo jeedo eedeysanaha, wuxuuna ugu baaqay inay iska soo dhibaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

“Reerka dilay Macalin Macloow ee Abgaal hadii iyaga aan wax ka dili laheyn waa na gabogabeyn lahaayeen” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta ehellada Macallinka ay dibad-bax cabasho ka dhigeen afaafka hore ee isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu weli yaallo Maydka Marxuumka oo la geliyay Firinjeer, wuxuuna sugayaa weli cadaaladda.