25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xildhibaanada beesha wasiirkii DF iska casilay oo taageeray go’aankiisa (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee Beesha Sheekhaal, ayaa waxay soo dhaweysay tallaabadii uu maanta uu isku casilay C/raxmaan Kulmiye Xersi (C/raxmaan Dheere), oo hal habeen ka hor loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya.

Tallaabaa uu isku casilay, ayaa wuxuu ku sheegay inaan lagala tashan magacaabidda xilkaasi, sidoo kalana ay si cad ah uga horimaaneyso nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Xildhibaanada oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen inay iyagu ku booriyeen C/raxmaan Dheere, in uu iska casilo xilkaasi, sababo ku aadan iyadoo aanu u khalmin beeshooda, sida ay sheegeen.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan (Sandheere), ayaa Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ku eedeeyay, inay u bareereen inaanay u hogaansamin halbeyga awood qaybsiga 4.5.

Xildhibaan Sandheere, ayaa sheegaaya inay iyagu ka masuul yihiin shacbiga Somaliyeed, gaar ahaan beesha ay ka soo jeedaan, isla-markaana aynaan aqbali karin in beeshooda la siiyo xil aynaan u khalmin, iyadoo la iska indho tiraayo ku dhaqanka hannaanka 4.5.

Dhanka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee Beesha Gare, ayaa dhankoodu si xoogan kaga horyimid habka wax loogu qaybiyay qabaa’ilada, isla-markaana la siiyay wax aan Beesha Gare u cuntami karin.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo Saxaafadda la hadlaayay, ka dib kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Beesha Gare, ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay ku xad-gudbeen nidaamka 4.5.

Xildhibaanku wuxuu si adag uu u sheegay in cabashadoodu ay gaarsiiyeen Madaxda Dowladda, ayna kaga fadhiyaan jawaab ay ka sii siiyaan cabashada ay sheeganayaan, sida uu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News