Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Xildhibaannada ayaa u codeeyey sidan: 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.
Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Sharcigan ayaa ah mid ka mid ah laba sharci oo maanta hor-yaalla baarlamanak Soomaaliya, ayada oo sharciga labaad uu yahay mid wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com