Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan DF Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaanada, Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Beelaha Daarood iyo Isaaq ay soo foodsaartay walaac dhanka amaanka ah.
Ilo wareedka ayaa sheegay in Xildhibaanada kasoo kala jeedo beelahaasi ay bilaaben inay qaatan Fasaxyo ay ku aadayan dalka dibadiisa, halka qaarna ay Cabsi awgii uga soo bixi la’ yihiin Hoteelada ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho.
Warar hoose ayaa sheegaya in Xildhibaanadaasi ay tuhuno ka qabaan in si gaar ah loo baadi goobayo, inkastoo ay kuwa kasoo jeedo Daarood aaminsan yihiin in loo diidan yahay nolosha oo idil.
Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo maanta Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir lagu weeraray gaari ay saarnaayen Xildhibaano hore iyo hal xildhibaan oo iminka ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia.
Dhanka kale, Ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ah mid ka duwan kii mudooyinkaani lagu naaloonayay, kadib markii xaalad amni darro ay dib u billaabatay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

