Xildhibaanada federaalka ee laba maamul goboleed ‘oo isbaheysi sameysanaya’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay sameysanayaan isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo isku xiraya.

Arrintan ayaa xalay lagu dhowaaqay kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow ay casho sharaf u sameeyeen xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Jubaland  iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay labo qodob oo kala ah, 

1- Abaaraha iyo sidii xildhibaanada gacan uga gaysan lahaayeen
2- Midnimo iyo isku xirnaasho xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas.

Ma cadda waxa loola jeedo iyo ujeedka laga leeyahay isku xirnaanshaha iyo isbaheysiga ay sameysanayaan xildhibaanadan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo doortaa xildhibaanada ugu badan ee labada aqal ee baaralamanka Soomaaliya, waxayna saameyn xooggan ku leeyihiin dooraashooyinka dalka ee xildhibaanada ay codeeyaan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka abaaraha.