25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xildhibaanada Galmudug oo lagu ugaarsanayo hoteellada Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Caadaado (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa hareereeyay Hoteel ku yaalla magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, kaa oo ay ku shirsanaayen Xildhibaano ka tirsan maamulka.

Ciidamada ayaa isku gadaamay Hotelka Central ee magaalada Cadaado, halkaa oo ay degan yihiin Xildhibaanada sida aadka ah kaga soo horjeeda Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed,

Xildhibaanada ciidamada la dulgeeyay ayaa ku howlanaa shir ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka, gaar ahaan go’aanka uu ku diiday xil ka qaadista lagu sameeyay.

Ciidamada ayaa sidoo kale ka hor imaaday Xildhibaano dhowr ah oo doonaayay inay ku biiraan shirkaasi, kuwaa oo loo diiday inay galaan Hoteelka ay ciidamadu isku gadaameen.

Hogaamiyaha maamulka ayaa Taliyayaasha ciidamada ku amray inay xiraan Hoteelkii marti galiya Xildhibaanada kasoo horjeeda isla markaana waxa uu siiyay awood ay Xabsi ku dhigikaraan Xildhibaanada.

Magaalada Cadaado ayaa kacsan tan iyo markii Xildhibaanada maamulka ay shaaciyeen in kalsoonida ay kala laabteen Hogaamiyaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News