Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Hawiye intooda badan ayaa beeniyey war ka koobnaa 5 qodob oo ay shalay soo saareen Xildhibaano tiro yar oo ay sheegeen inuu horkacayey xildhibaan Daahir Amiin Jeessow oo ay ku yeereen afhayeenka Damu-Jadiid.
Xildhibaan Jeesoow iyo Xildhibaanada shalay soo saaray qoraal kasoo baxay kooxda Damujadiid ayaa xildhibaanada Hawiye waxay sheegeen in kooxda Dahir Amin Jeesow ku hadli karin magaca Xildhibaanada Hawiye, qodobada ay soo saareena yihiin kuwa quseeya rabitaanka Damujadiid balse aysan ahayn go’aan kasoo baxay Xildhibaanada beesha Hawiye.
Xildhibaanada Hawiye ayaa sheegay inay ayidsan yihiin qodobada soo socda oo kala ah :-
1 – Xildhibaanada Hawiye waxay taageersan yihiin Shirka Dib u heshiisiinta ka socda magaalada Dhuusamereeb ee Gobolka Galgaduud.
2 – Xildhibaanada Hawiye waxay taageerayaan go’aanada kasoo baxa Shirka Dib u heshiisiinta uga socda 9-ka Beelood Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Go’aanadaas oo ay ku jiraan halka lagu qabanayo Shirka Maamul u sameynta Gobollada Galgaduud iyo Mudug.
3 – Xildhibaanada Hawiye waxay ku baaqayaan in dawladdu gacan ka geysato joojinta Dagaalada kasoo cusboonaaday degmada Guriceel.
4 – Xildhibaanada Hawiye waxay ayidayaan go’aanada iyo rabitaanka shacabka Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.
5 – Xildhibaanada Hawiye marnaba ma aqbali doonaan in koox diimeedka Damujadiid afduubaan Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaanada Go’aanaddaan soo Saaray waxaa kamid ah Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaan Jawaahir, Xildhibaan Cabdisamad, Xildhibaan Dhagey Geele iyo Xildhibaano kale oo badan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]