27.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xildhibaanada Hirshabelle oo ku dhagan hoggaanka maamulka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamanaka Hirshabelle ayaa qeyla dhaan kasoo saaray howlqabasho la’aanta Hogaamiyaha maamulka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee deegaanka ka dhigtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa labada Mas’uul ku eedeeyay inay ka gaabiyeen Howlihii loo igmaday, kadib markii ay tilmaameen in labada Mas’uul ay u guureen magaalada Muqdisho, iyagoo is ilowsiiyay howlaha looga baahan yahay.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen in Hogaamiyaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka u soo wareegeen Magaalada Muqdisho, isla markaana iska indha tiray mas’uuliyada ay qaaden.

Maxamed Yuusuf Colow oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa tilmaamay in Baarlamaanka uu isha ku hayo dhaqdhaqaaqa Hogaamiyaha iyo Guddoomiyaha, waxa uuna carab dhabay inay ka gaabiyeen mas’uuliyadii ay qaaden.

Maxamed Yuusuf, waxa uu cadeeyay in Baarlamaanka uu go’aan cad ka qaadan doono labada Mas’uul waa haddii ay kusii adkeystaan ku nagaanshiyaha magaalada Muqdisho, xili ay howl u taallo magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Yuusuf waxa uu cadeeyay in qorshaha Hogaamiyaha maamulka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay in kulamada Xildhibaanada ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, taa oo uu ku sheegay mid khalad ah.

Haddalka iyo qeyla dhaanta Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kusoo beegmaaya xili Seddex maalin un ka hor Baarlamaanka Galmudug uu xil ka qaadis ku sameeyay Hogaamiyaha maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News