25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Daawo: Xildhibaanada Puntland ee BF oo sheegay cadaadis ay kala kulmayaan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in cadaadis hor leh kala kulmayaan mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka, oo ay sheegeen inay ka xigsanayaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadani ayaa tilmaamay in caasimaddu aysan u muuqan meel ay si xor ah uga shaqeyn karaan, iyagoo sheegay in muddada ay joogeen ay la kulmeen hanjabaado iyo hadallo cabsi gelin ah oo ka imaanaya xubno isla baarlamaanka ku jira.

Waxay sheegeen in Muqdisho aysan u qalmin in ay sii ahaato xarunta baarlamaanka, maadaama xildhibaanada qaar ka xigsadaan marka ay doodaha iyo shaqooyinka golaha ka hadlayaan.

Xildhibaan Sadaam oo kamid ah xubnaha arrintan ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan ku dareemayn xorriyad, isla markaana aysan u qalmin inay sii ahaato xarunta baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaankii hadlaba laga daba imaanayo la oranayo adoonkaas muxuu leeyahay, hadaa aragti dhiibto, baarlamaanka sharaftiisa yaan lagu ciyaarin. Magaaladan uma qalmato inuj baarlamaanka joogo, xoriyad kuma dareemayno,” ayuu yiri Xildhibaan Sadaam.

Arrintani ayaa imaneysa xilli dhawaan Senator Muuse Suudi Yalaxow uu Aqalka Sare ka jeediyay hadal muran weyn dhaliyay, kaas oo uu xildhibaan kale ugu yeeray eray loo fasiray yasitaan oo ah “addoonkaas.”

Hadalkaasi iyo eedeymaha cusub ayaa kordhiyay xiisadda u dhexeysa xubnaha baarlamaanka iyo kala sheegashada caasimadda, iyadoo weli muuqato in golaha ay ka dhex taagan tahay kala shaki siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News