Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada la safan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxay galabta kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxayna kulanka ka dib dhaliileen doorasadii Baydhabo ka dhacday Isniintii iyo Dowladda Itoobiya.
Gaba gabadii kulankaan oo ka dhacay Hotel Al Xayaat oo Isgoyska KM4 ku yaala, ayaa waxaa Saxaafada kula hadlay Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), wuxuuna si xoogan uu u dhaliilay doorashadii lagu soo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dowladda Itoobiya, oo uu ku eedeeyay inay iyadu dhabarka ka riixeysay doorashadaasi.
“Waa wax aan soconayn doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan, waa Maamul xoog ku yimid, xoogna Maamul uguma noqonaayo dadka deegaanka. Dadka deegaanka way muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan.” Waxaa sidaasi yiri Xildhibaanka.
“Doorashaaan waxaa dhabarka ka riixaayay Dowladdo shisheeye gaar ahaan Itoobiya. Itoobiya markii hore xiriir fiican ayaa naga dhaxeeyay, laakiin hadda ka dib waan ka fiirsanaynaa.” ayuu si kulul u yiri Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.
“Itoobiya iyadaa u fududeysay in doorashada uu ku soo baxo Shariif Xasan Sheekh Aadan, laakiin wax soconaaya maaha.”ayuu yiri Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
XildhibaanMaxamed Xuseen Isaaq (Afaraale), ayaa isna doorasho aan xalaal ahayn uu ku tilmaamay middii shalay ka qabsoomtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Xildhibaanka waxa uu si xoogan u cambaareeyay dadkii shalay lagu dilay, laguna dhaawacay Baydhabo, intii uu ka soconaayay banaanbixii looga soo horjeeday doorashada lagu soo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed (Saddexda Gobol) ee Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]