Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Guddiga doorashooyinka BFS uu shaaciyay inay furan tahay is diiwaan galinta Musharaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa, ayaa waxaa Musharaxnimadeeda si rasmi ah u shaacisay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.
Xildhibaan Khadiijo, ayaa sheegtay inay u tartameyso Xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaan Khadiijo, waxa ay tilmaantay in ujeedkeeda ugu weyn uu yahay inay la imaado isbedel muuqda, iyadoo sheegtay inay awood buuxda ay u leedahay hogaaminta Xildhibaanada BFS.
”Ilaa iyo hadda ma jirto cid kale oo isku soo sharaxday xilka aan isku soo taagay waxaan hubaa inaan kasoo bixikaro haddii la idoortana waxaan la imaan doonaa isbedel siyaasadeed oo dhab ah”
Xildhibaanada ayay ka dalbatay in codka ay siiyaan si ay ula imaado isbedel muuqda oo la taabankaro.
Geesta kale, Xildhibaan Khadiijo ayaa meesha ka saartay haddii la doorto in fashil uu ku imaankaro xilkeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]