26.5 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Xildhibaannada Cabdi Weli oo kordhay, kulan gaar ahna yeeshay (Waa imisa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani magaalada Muqdisho laga dareemayay kacdoono Siyaasadeedyo iska soo horjeeda oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa xalay kulan aan caadi aheyn Muqdisho isugu yimaaday Xildhibaano iyo Wasiiro taageersan Cabdi Weli.

Xildhibaanada taageersan Cabdi Weli, oo taageero yar helay ayna tiro kale kusoo biireen, ayaa waxa ay iminka gaarayaan 69 xildhibaan, inkasta oo weli laga tira badan yahay.

Xildhibaanadaani ayaa waxa ay si adag uga soo horjeeden mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, waxa ayna daaha ka rogeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii hurinayo khilaafka taagan.

Xildhibaanada oo daraaseynaayay Siyaasadihii ugu danbeeyay, ayaa waxa ay sheegeen inay heleen Xogo ku aadan in Madaxweyne Xasan uu dhaqaale adag xiligaani ku bixinaayo hirgalinta Mooshinada ka dhanka ah Cabdi Weli Sheekh Axmed, hase yeeshee waxa ay wacad ku mareen in arrinkaasi uu ka danbeyn doono xisaabtan adag.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in mooshinkaan uu Madaxtooyada ka abaabulaayo Xasan, islamarkaana Xildhibaanada taageersan ay daadihinayaan, ayna arrintaas tahay mid sharci darro ah.

Dhanka kale, waxaa goobta kulanka ku sugnaa wasiiro uu ka mid ahaa Ridwaan Xirsi oo ah wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta iyo xubno kale, kuwaasi oo iyaguna ka dhiidhiyay Mooshinada laga abaabulaayo Villa Somalia ayaga oo k digay wax aka dhici doona baaarlamanka.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa illaa iyo hadda haysan taageero ku filan, waxaana suurta gal ah inuu xilka waayo, haddii maalmaha soosocda uusan codad badan kasban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News