25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo DF uga digay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka fogaato go’aanno cadaadis saarayo Somaliland.

Dhinacyada ayaa Dowladda Federaalka uga digay tallaabooyinka wax u dhimaya dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga bulshada ku nool Somaliland.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen maanta ayay ku sheegeen in tallaabooyinka noocaas ah aysan wax faa’iido ah u keenayn midnimada dalka, balse ay sii murjinayaan duruuf horeyba u liidatay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay ka gaabsataa qaadista tallaabooyin wax u dhimaya dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Somaliland, maaddaama tallaabooyin xoog ah aanay marnaba keeni doonin midnimo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, siyaasiyiintu waxay dalbadeen in la joojiyo hadallada kicinta iyo naceybka ah ee sii kala fogeyn kara shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku boorriyay in khilaafaadka jira si nabad ah loo wajaho.

Waxay adkeeyeen in murannada taagan lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad, iyagoo uga digay adeegsiga awood ciidan ama cadaadis dhaqaale.

Ugu dambeyntiina, waxay ugu baaqeen Somaliland inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadallada, si loo gaaro xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda nabadda, xasilloonida iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News