Xildhibaanno taageeray go’aanki dowlada France fariinna u diray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa qoraal ay soo saareen ugu horeyn waxay kusoo dhaweeyeen go’aankii Faransiiska ka qaatay ceyrintii Nicholas Haysom.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xildhibaanada oo ay kula mideysnaayeen Xisbiyada mucaaradka qaar ayaa waxay ku sheegeen inay la dhacsan yihiin go’aanka dowladaha Faransiiska, UK iyo Germany ay ku garab istaageen xuquuqda aadanaha iyo kala sareynta sharciga.

Qoraalka ayaa waxay xildhibaanada ay ku sheegeen inay kaga mahadcelinayaan Qaramada Midoobay dadaalada ay ka wado dalka Soomaaliya, waxaana lagu soo dhaweeyay go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka qaatay ceyrintii Haysom.

Dhinaca kale qoraalka xildhibaanada ayaa waxaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya inay soo dhaweyso una ogolaato ergayga cusub ee lasoo magacaabi doono inuu guto waajibaadkiisa shaqo.

Ugu dambeyn waxay qoraalkooda ku sheegeen inay soo dhaweynayaan dadaalada Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka wadaan gudaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com