24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Xildhibaanno taageeray go’aankii ay gaareen Madasha iyo laba maamul goboleed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa mucaaradka ee la baxay Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray bayaan culus oo ay uga hadleen xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Ugu horreyn xildhibaannada ayaa si weyn u taageeray warsaxaafadeedkii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo xalay soo saartay qoraal xasaasi ah oo ay ku dalbatay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamullada dalka oo sidoo kale la’isugu imaanayo shir wadatahi ah.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale boggaadiyay bayaanka kasoo baxay maamullada Jubaland iyo Puntland ee lagu ayiday qodobada ay soo saareen siyaasiyiinta mucaaradka ee uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Bayaanka xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu sheegay inay soo dhaweynayaan shirka qaran ee wadatashiga ee la’isugu imaanaayo, iyaga oo sheegay in haatan dalka uu u baahan yahay badbaado si horay loogu sii wado geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay xildhibaannadu dhaliileen xukuumadda tala hayso oo ay ku eedeyaan inay gabtay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, ayna ku kacday ku takrifal awoodeed.

“Haddaba xidhibaannada oo gudanayo waajibaadkooda dastuuriga ah, ee xakameynta awoodda maroorsiga, keli talisnimada iyo ku takrifalka awoodeed ee xukuumadda talada haysaa ku kaceyso, waxay si mug iyo miisaan leh u taageerayaan, qaybna uga yihiin in shir deg-deg ah oo mideysan la isugu yimaado si looga tashado aayaha iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed, loona badbaadiyo dowlad dhiska curdunka ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo dhawaan heshiis siyaasadeed ay gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo 4 kamid ah xubnihii mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo isla meel dhigay qodobo taabanaya dastuurka iyo doorashada.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo keentay hubanti la’aan, waxaana xoogeysanaya dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News