25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xildhibaano ka tirsan labada gole oo Muqdisho ku shirsan iyo qorshe cusub oo socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno qaar kamid ah Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo is xulufeysi u dhexeeya Xildhibaanada Golayaasha Aqalka Sare iyo kan hoose ee baarlamaanka Somalia.

Is xulufeysiga Xildhibaanada labada Aqal ayaa salka ku haya sida looga gudbi lahaa cadaadis kaga imaanaya dhanka Xukuumada Somalia iyo sida ugu sahlan ee looga dhabeyn lahaa dooda arrinta Qalbi Dhagax oo ay is hortaagtay dowlada.

Xildhibaanada uu is xulufeysiga u dhexeeyo ayaa gaaraya ilaa 90 kuwaa oo weli ku howlan suuragalnimada in la kordhiyo tirada hadda ku mideysan arrinta Qalbi Dhagax iyo la xisaabtanka Xukuumada.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee ka shaqeyneysa in Xukuumada lagu cadaadiyo arrinta Qalbi Dhagax ayaa waxaa kamid ah:

Abshir Bukhaari, Muuse Suudi Yalaxow, Mustaf Maxamed Qoodax, Cusmaan Axmed Macow, Maxamed Amiin Sheeq Cusmaan, Axmed Xaashi, Nuuro Faarax Jaamac iyo Cabdirisaq Axmed Ibrahim.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka shaqeyneysa in Xukuumada lagu cadaadiyo arrinta Qalbi Dhagax ayaa waxaa kamid ah:

Mahad Salaad, Zakariye Xaaji, Maxamuud Abuukaate, Axmed Fiqi oo miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia, gaar ahaan Golaha ay ka tirsan yihiin ee baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada wada is xulufeysiga ayaa ku tiirsan Xisbiyo Siyaasadeed oo kasoo arimiyay dalka kuwaa oo aad uga didsan Siyaasada ay cayaareyso dowlada uu hogaamiyo Maxamed C/llahi Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadalinkarin halka uu biyo dhaca u noqon doono qorshaha lidka ku ah dowlada oo ay wadaan Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News