Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay la xisaabtamayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kadib markii ay ku eedeeyaan dowladda hurinta colaadda Sanaag iyo Gedo.
Xildhibaannada oo ah kuwa mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa waxay si adag u cambaareeyeen falalka foosha xun iyo xasilooni darrada ay dowladda Xasan Sheekh ka wado deegaannadaasi oo markii hore ahaa kuwa ugu nabdoonaa ee dalka gudihiisa ahaa.
“Haddaanu nahay Xildhibaanada labada gole waxaan ku la xisaabtami doonnaa Xukuumadda talaabo kasta fulaan gurracan ee ay ku howlan tahay, gaar ahaan dhibaatooyinka ay ka waddo Gobolka Sanaag iyo Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen xildhibaannada mucaaradka.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in gobolka Gedo si ula kac ah looga wado abaabul colaadeed, iyadoo la doonayo in lagu khalkhal geliyo dadka deegaanka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin nololeed.
“Waxaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinaynaa, in xukuumaddi laga sugayey wadajir, horumar, kobcin dhaqaale iyo la dagaalanka argagixisada, ay markay ku fashilantay dhammaan howlaha loo igmaday ay bilowday in ay kala qaybiso bulshada, ayna dagaal ka dhex riddo.”
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Anagoo ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna bahoobay Madasha Samata-Bixinta Qaran, waxaan halkan ku cambaareyneynaa, falalka foosha xun iyo xasilooni darrada ay xukuumadda taagta daran kula kacayso deegaannadii nabdoonaa ee dalka gudihiisa ahaa.
1. Waxay hormood u noqotay colaado laga abuuro Gobolka Sanaag, dhimashadii iyo dhaawacii maanta ka dhacay halkaana waxaa eeddeeda iska leh Xukuumadda ay Xasan Sheekh iyo Xamse hoggaaminayaan.
2. Waxay Gobolka Gedo ku daabulayaan ciidamo loogu dan leeyahay in lagu khal-khal geliyo dadka deegaanka, si loogu abuuro jawi colaadadeed, isku dhacyo iyo in la dhibaateeyo dadka ku nool Gobolka Gedo oo markii horeba dhibaatooyin ka haysteen nolosha.
3. Waxay gebi ahaanba joojiyeen duulimaadyadii tegi jiray Gobollada Gedo iyo Doolow, waana dulmi loo gaysanayo dadka shacabka ah. Isticmaalka siyaasadaysan ee duulimaadyada gudaha waa kuwo kasoo horjeeda Dastuurka iyo xeerarka Caalamiga ah ee Soomaaliya saxeexday.
Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinaynaa, in xukuumaddi laga sugayey wadajir, horumar, kobcin dhaqaale iyo la dagaalanka argagixisada, ay markay ku fashilantay dhammaan howlaha loo igmaday, ay bilowday in ay kala qaybinta bulshada, dagaal uga dhex riddo, una cunaqabateynta lahayd umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannadii nabdoonaa ee ka caagnaa argagixisada.
Waxa hubaal ah in hagardaamooyinka Xukuumadani ku howlan tahay, yihiin kuwo kala fogeynaya bulshada, kala dilaya beelaha Soomaaliyeed, una danaynaya Cadawga guul iyo beddelka.
Sidaa darteed, Haddaanu nahay Xildhibaanada labada gole waxaan ku la xisaabtami doonnaa Xukuumadda talaabo kasta fulaan gurracan ee ay ku howlan tahay, gaar ahaan dhibaatooyinka ay ka waddo Gobolka Sanaag iyo Gobolka Gedo.