25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Xildhibaano la iska hilmaamay oo fursad cusub helay (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaa helaya fursad cusub oo ay dhaqaalo kaga helayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada oo badankood soo saaray C/raxmaan Ducaale Beyle guddoomiyaha gudiga doorashada ayaa waxay ahaayeen markii hore kuwo ku jahwareersanaa arimaha doorashada iyo musharixiinta tirada badan.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi qaarkood dhaqaalo uu kusoo saaray Xasan Sheekh Maxamuud, wallow markii dambe ay balanta kaga baxeen.

Waxaa haatan soo baxaya fursad cusub, maadaama xildhibaanada gobolada waqooyi ay heleen musharixiin kasoo jeeda gobolada waqooyi, kuwaasi oo ay kula gorgortami karaan codkooda.

Sidoo kale musharaxa kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka ayaa helaya fursad kale oo uu isna kula gorgortamayo musharixiinta kale ee doonaya inay helaan codadka xildhibaanada gobolada waqooyi.

Waxaa xalay ilaa gelinkii dambe ee shalay socday kulamo kala duwan oo lala qaadanayay xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi, taasi oo muujisay fursadooda cusub, maadaama markii hore lala kulmi jiray xildhibaanada kasoo jeeda maamulada kale ee dalka.

Waxaa sidoo kale hadda fursad helay masuuliyiin kasoo jeeda gobolada waqooyi oo  ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la kulmay musharixiinta madaxweynaha, iyaga oo u balanqaadaya ku tashiga codadka xildhibaanada gobolada waqooyi.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News