32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xildhibaano hal bacaad lagu lisay ka dhigay go’aan fajac abuuray oo kasoo yeeray JAWAARI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku dhawaaqay in la mamnuucay Safarada Xildhibaanada Baarlamaanka ay ugu bixi jireen dibadda, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaah Dibadda BFS, ayaa sheegay in Jawaari uusan awood u laheyn inuu joojiyo Safarada waxa uuna sheegay in Dowladu ay heysato miisaaniyad ku filan oo ay ku maareyn karto safarada Xildhibaanada BFS.

Maxamed Cumar Dalxa, waxa uu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid u gaar ah Jawaari, waxa uuna sheegay in marnaba aysan suuragal aheyn in Safarada lagu soo xalin lahaa amuuraha dalka la hor istaago.

Xildhibaan Dalxa waxa uu tilmaamay in Guddoomiye jawaari uu ku tagri falo dhaqaalah Xildhibaanada loogu tala galay, islamarkaana ay horay guddiyada Baarlamaanku iyagu isdabari jireen.

Isaga oo go’aankaasi ka hadlaayay ayuu yiri “ Guddoonka Baarlamaanka isaga ayaa qarashaadkii loogu tala galay ka badan Isticmaala, islamarkaana dhaqaalo xadigoodu badan yahay hormarsada”

Waxa uu carabka ku dhuftay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia uu safaradiisa dibadda u isticmaalo qarashaaad dheeraad ah, weliba dad dul saar ah loogu wado dibadda sida uu yiri.

Haddalka Dalxa ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu cod dheer ku sheegay in Guddoonka Sare BFS uusan bixin doonin miisaaniyada ku baxeysa Xildhibaanada safar doonka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News