Xildhibaano shaaciyay cida ka mas’uulka ah fashilka maanta ku yimid kulankii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa si kulul uga hadlay baaqashada kulanka baarlamaanka ee lagu madalsanaa inuu qabsoomo maanta oo sabti ah.

Kulanka baaqday ayaa waxaa looga doodi lahaa qodobo ay kamid yihiin C/kariin Qalbi Dhagax iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in baaqashada kulanka ay ka danbeysay Xukuumadda Somalia oo ka shaqeysay in kooram la’aan uu ku furmo kulanka baarlamaanka.

Xildhibaanada maanta tagay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay in wixii maanta dhacay xarunta ay mas’uuliyadeeda leedahay Xukuumadda, isla markaana waddooyinka si ku tala gal loo xiray.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud oo kamid ahaa Xildhibaanada dhaliisha u jeediyay Xukuumada ayaa sheegay in xubno ka rirsan Xukuumadda oo Xildhibaano ah ay diideen inay saxiixaan buugga diiwaanka, isagoo xusay in arrintan ay aheyd mid mas’uuliyad darro ah.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salad ayaa isna sheegay in arintaan ay ka danbeysay Xukuumada Somalia isla markaana ay aheyd mid loogu tallo galay in lagu baajiyo kulanka baarlamaanka.

Wuxuu sheegay waxa dhacay inay yihiin arin fool xun shacabka Somaliyedna ay u sheegayaan inay jiraan Xildhibaano aanan rabin shaqada qaranka inay si wanaagsan ku socoto.

Waxa uu Xildhibaan Mahad intaa raaciyay in arintaan ay u muuqato mid ay soo abaabuleen Xukuumadda, maadaama wadooyinkii laga xirtay Xildhibaanada oo ay ku adkaatay inay soo gaaraan xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaanada eeda u jeediyay Xukuumada ayaa sheegay inay doonayaan in laga jaahil bixiyo sababta ay xukuumada u hor istaageyso kulanka ay maanta baajisay, sida ay haddalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa ka dhacay Golaha Shacabka ku tilmaamay mid aad u fool xun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com