Xildhibaano & Shacab badan oo DFS uga digay inay is ilowsiiso go’aan ka qaadashada Shirkadda DP World

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegay Agaasimaha Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia aanu waxba ka galin Heshiiska Shirkada iyo maamulka Somaliland.

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha Shirkada ayaa sheegay in Heshiiska Shirkada iyo maamulka Somaliland uu yahay mid loo cuskaday sharciyada Somaliland, waxa uuna tilmaamay in labada Gole ee maamulka ay meelmariyeen.

Go’aanka Suldaan Ahmed Bin Suleymaan uu ku qaadacay amarada Dowlada Somalia ayaa waxaa qeyla dhaan ka keenay Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee baarlamaanka iyo dad Shacab ah.

Xildhibaanada iyo dadka Shacabka ah ayaa sheegay in dowlada Somalia ay kala noqon doonaan taageerada waa haddii aysan ka fal celin ficilka uu Agaasimaha Shirkada DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan ku qaadacay amarka dowlada.

Xildhibaanada qaar ayaa ku taliyay in Dowlada Somalia ay la gudboontahay in Safiirkeeda ay kasoo kaxeyso Imaaraadka, sidoo kalane ay buriso Safiirka dalkaas u jooga Somalia.

Waxa ay Xildhibaanadu sheegen in dowlada Imaaraadka aysan ficilada ceynkaasi ah maalin qura u dulqaadan laheyn waa haddii lagu sameeyo, balse jilicsanaanta ay ka arkeen dowlada Somalia.

Sidoo kale, shacab farabadan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Saxaafada magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada ugu baaqay inay ka falceliyaan go’aanka shirkada.

Dowlada Somalia ayey uga digeen inay iska indha tirto wax ka qabashada haddalka iyo go’aanka wada socda ee kasoo baxay Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha Shirkada.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaaya xili Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Sharci daro ku tilmaamay heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Sidoo kale Shirkadda DP World.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com