Xildhibaano si rasmi ah u qiray musuq-maasuqii in badan la tuhmayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Soomaali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada qaar ay baarlamaanka kusoo galeen qaab musuq-maasuq ah, waxa uuna ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo dhammaan kuraasta baarlamaanka.

Xildhibaanka oo la hadlaayay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kuraasta Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ay ku yimaadeen qaab Musuq-maasuq ah, waxa uuna guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqay in laga dhabeeyo dhaarta ay ku dhaarteen kitaabka alle.

Waxa uu sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay in si weyn looga fiirsado, lana adkeeyo ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka ay wax badan kala socdaan xaalada jirta balse loo baahan yahay inaan leyska indha tirin xaqiiqda jirta si dalka iyo dadkuba daacad loogu noqdo.

”Waxaan ku talinayaa in wax laga bedelo qaababka lagu bxinaayo kuraasta waxaa hubaal ah in Guddoonka uu waxbadan iska indha tiraayo balse waxaa horyaal dhaartii ay ku dhaarteen kitaabka alle”

Docda kale, Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono rabitaanka shacabka isla markaana la xishoon doonin wixii xaq ah ee dalka lagu badbaadinkaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com