Xildhibaano u gudbiyay Jawaari arrin aysan ku farxi doonin Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Saacid.

Mudanayaan tiradoodu gaarayso 30 ayaa waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maanta u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada Somalia ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Saacid ilaa inta laga soo dhameystirayo.

Xildhibaanadan ayaa waxay sheegeen in dastuurka dalka uu dhigayo inaan codka kalsoonida ah la siin xukuumada iyadoo aan lasoo dhameystirin, iyagoo sheegay in sababta ay sidan u yeeleen ay tahay si sharciga loo ilaaliyo.

Wasiirkii hore ee Dastuurka hadana ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia C/raxmaan Xoosh oo ka mid ah mudanayaasha gudbiyay qoraalkan ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu u sheegay in qoraalkooda uu u gudbin doono Madaxda Dowlada si ay go’aan uga qaataan.

“Dowlad aan dhameystirnayn in la ansixiyo waxay noqonaysaa in dastuurka dalka lagu tuntay, taasna ma ahan mid aan aqbalayno, waayo dastuurka waxaa sameeyay in lagu dhaqmo” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan (Jawari) ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha habeenkii xukuumada lagu dhawaaqay inuu si dhaqso ah ku horkeeno baarlamaanka si codka kalsoonida ah loogu qaado.

Arintan ayaa waxay abuuraysaa muran soo dhexgalaya xukuumada iyo baarlamanka balse lama oga go’aanka ay xildhibaanadu qaadan doonaan, iyadoo xukuumada la horgeynayo baarlamaanka Maalinta Sabtida ah.

Xukuumada cusub ayaa waxay ka kooban tahay 10 wasiir oo laba dumar ay ku jiraan, waxaana labada haweenka midood loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Somalia.

Arriintan ayaa caqabad cusub ku noqon doonta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo qorshahoodu ahaa in golaha wasiirada la ansixiyo ayada oo aan lagu soo darin wasiiro ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.