Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaal ka tirsan BF Somalia, kana soo jeeda Gobolada Dhex, ayaa waxa ay abaabul looga soo hor jeedo dhismaha Maamulka G/Dhexe ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa sheegay in abaabulkaani ay uga hor imaanayaan caqabadaha ka dhalankara dhismaha Maamulkaasi iyo damaca Madaxweyne Xassan Sheekh uu Maamulkaasi gacanta ugu galin doono C/kariin Guulleed.
Mid kamid ah Xildhibaanadaasi, ayaa inoo xaqiijiyay in Ujeedka DF Somalia ee halkaasi uga hirgalineyso maamulka uu yahay mid leysaga hor geynaayo Beelaha halkaasi wada dega oo iminka isku calool fiyow.
Waxa ay si gaar ah uga soo horjeedaan in shirka loo wareejiyo Cadaado, ayaga oo ku qanacsan in Xasan uu farah kala baxo shirka Dhuuso-Mareeb.
Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha ay Xasan uga digeen far-gelinta, balse waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Sheekh usan dhag jalaq u siineynin dadka halkaasi ku nool.
Maalinimadii shalay ayaa waxaa Hotel Naasa Hablood Two ee Magaalada Muqdisho ku kulmay Xildhibaano halkaasi kasoo jeeda oo iyagu sheegay in xiligaani aysan diyaar u aheyn in iska hor imaad uu ka dhex dhaco beelaha halkaasi wada dega.
Waxa ay sheegen in Dagaalkii ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud uu ahaa mid lagu carqaladeynaayo dhismaha Maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]