Xiliga ay u dib dhacday doorashada HirShabelle oo mar kale la shaaciyay

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhacay doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle oo ku beegneyd inay dhacdo 12-ka Bishaan.

Guddiga doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa shaaciyay in dib u dhac ay ku imaaday xiliga doorashada sababo la xiriira howlaha oo weli qabyo ah.

Guddiga doorashadda, ayaa sheegay in kama danbeys ay doorashadu dhici doonto 16-ka Bishaan oo ku beegan sabtida soo socota.

Guddiga doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay inay jiraan howlo weli qabyo u ah maamulka, lana doonaayo in la dhameystiro muddo kooban gudahooda.

Guddiga doorashadda waxa ay sheegeen in waqtigaasi aysan dhaafi doonin doorashaddda Madaxweynaha.

Sidoo kale, magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka HirShabelle ayaa waxaa gaaray Musharaxiin kuwaa soo ku hardamaya xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Dhinaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Jowhar waxaana xusid mudan in ciidamo farabadan la dhigay dhammaan waddooyinka magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com